Ciidamada dowlada oo howlgalo ka fuliyey deegaano ka tirsan gobolka shabelaha hoose

0
78

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay howlgal ciidamadu ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha hoose ku dileen 11 xubnood oo ka tirsanaa xoogagga Ururka Al-shabaab.

Generaal Maxamed Tahliil Biixi oo ah taliyaha ciidamada dhulka ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay marka laga soo taggo xubnahan la dilay sidoo kale howlgalkaasi lagu dhaawacay 6 xubnood oo kale.

Ciidamada ayaa howlgalkan ka sameeyay deegaannada Wala galeen ,Galka S aalimow, Dahaad ,Ceel maracade Garas Gawaan oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha hoose, waana deegaanno dhamaantood marka la eego ay ku xoog badan yihiin dagaalamayaasha Ururka Al-shabaab.

Taliye Biixi ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada dowladdu burburiyeen saldhigyo ay lahaayeen Al-shabaab oo ay hubka iyo saanada ciidan ku keydsan jireen.