
Qaramada Midoobey ayaa mar kale walaac xoogan ka muujisay dagaalka ka socda qeybo kamid ah gobolka Tigray, xili ay xukuumadda Abiy Axmed ay shaacisay in lasoo afjaray dagaalkaas.
Waxay sheegtay in dagaalka ka socda meelo ka tirsan waqooyiga Itoobiya uu saameyn xoogan ku yeeshay howlaha gar-gaarka ee kaalmada bini-aadanimo, ee hay’addu gaarsiin laheyd shacabka gobolka Tigray.
Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobey ayaa xaqiijiyey inay xiligan adag tahay in gudaha loo galo gobolka Tigray, si kaalmo loo gaarsiiyo, xili ay dhawaan dowladda federaalka Itoobiya la saxiixatay heshiis gar-gaar lagu gaarsiinayo shacabka gobolkaas.
Arrintan ayaa imaneysa xili ay dadka ku nool caasimadda Mekelle ay soo wariyeen in dagaallo ay weli ka socdaan deegaanada dhaca duleedka caasimadda, inkasta oo ay dowladda sheegtay in lasoo afjaray colaadda.