Madaxweynaha mareykanka oo amrey in ciidamada ka joogta somaliya laga soo saaro

0
100

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amray Waaxda Gaashaandhigga iyo taliska ciidamada Mareykanka ee Africa (AFRICOM) in inta badan ciidamada iyo hantida Mareykanka laga soo saaro Soomaaliya, horraanta 2021.

Illaa iyo hadda ma cadda tirada ciidamada Mareykanka ee laga soo saarayo Soomaaliya, hase yeeshee Waaxda Gaashaandhigga ayaa u muuqata inay soo jeedineyso in dhammaan ciidamada Mareykanka dib loogu meeleyn doono meelo kale oo Africa ka mid ah, iyo saldhigyo kale oo gobolka ah.

Pentagon-ka ayaa sheegay inay weli awood u yeelan doonaan inay fuliyaan howlgallo argagixiso la dirir oo bartilmaameedsan oo laga fuliyo Soomaaliya, ayna ururiyaan digniino horudhac iyo tilmaamaha halisaha ku iman kara dalka Mareykanka.

Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga 700 oo askari, kuwaas oo badankood ah ciidamo gaar ah oo gacan ka geysta tababarka ciidamada Soomaaliya. Dhammaan ciidamadan ama badankood ayaa waxaa la diray intii uu Trump xukunka hayey.

Inta badan ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ah ciidamada howlgallada gaarka ah, waxayna kala joogaan dhowr saldhig oo kala duwan oo ku yaalla dalka.