
Dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa saaka kusoo toosay dagaal u dhaxeyay ciidamada dowlada iyo kuwa uu hoggaamiyo Janaraal Xuud oo ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne.
Dagaal ayaa yimid kadib markii ay gudaha usoo galeen magaalada ciidamada Janaraal Xuud kuwaas oo kasoo dhaqaaqay fariisinkoodii duleedka magaalada ku yaalay waxayna la wareegeen ciidanka qeybo muhiim ah oo ku yaala xaafadaha Xaawataako iyo Kooshin gaar ahaan afaafka hore ee garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif iyo Buundada Nuur Xawaad oo ah marinka ugu muhiimsan ee laga galo gudaha Beledweyne.
Inta la xaqiijiyay labo qof oo mid ka mid ah uu yahay shacab ayaa ku dhaawacantay dagaalka saaka ka dhacay gudaha Beledweyne iyo mid ka mid ah ciidamada Janaraal Xuud.
Dagaalka kadib waxaa magaalada Beledweyne ka dhacay banaanbaxyo xoogan oo ruxay guud ahaan magaalada Beledweyne kaasoo aay dhigayeen shacab ka careysan dagaalka saaka ka dhacay Beledweyne iyo waliba madaxda maamulka Hirshabeelle.