
Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Amb, Ben Fender ayaa Muqdisho ka bilaabay la kulanka Xubnaha Musharixiinta Madaxweynaha, waxaana uu la kulmay Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali oo kamid ah Musharixiinta Madaxweynaha ee kasoo horjeestay Guddiyada doorashooyinka.
Labada mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen xaalada Guud ee dalka Arrimaha doorashooyinka iyo Guddiyada doorashada o uu khilaaf ka taagan ahay, sida uu sheegay Musharax Madaxweyne Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali.
Sidoo kale labada mas’uul ayaa isla soo qaaday si guud in ay muhiim tahay in la helo doorasho xur iyo xalaal ah, wadar-ogol ah, waqtigeeda ku dhacda, kana maran tabasho ka timaada Musharaxiinta Madaxweynaha ee uu tartanka kala dhaxeeyo Musharaxa Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ugu dambeyn Musharax Madaxweyne Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali & Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Amb, Ben Fender ayaa ka wada hadlay sidii xal waara looga gaari lahaa cabashooyinka ku aadan doorashada Xildhibaanada labada aqal ee ka soo jeeda Gobalada woqooyi , khilaafka Gobalka Gedo iyo guddiyada doorashada heer Federaal iyo heer Maamul Gobaleed.
Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Amb, Ben Fender ayaa horay ula kulmay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo la sheegay in uu dhex-dhexaadin ka dhex-wado Madaxweyne Farmaajo & musharixiinta iyo sidoo kale Musharax Madaxweyne Danjire Daahir Maxamuud Geelle.