Siyaasiyiin gobolada waqooyi oo warsaxaafadeed kasoo saarey qaabka doorashada

0
61

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi, Siyaasiyiinta, Dhaqanka iyo waxgaradka Beelaha Gobolada Waqooyi ayaa eedeyn kulul u jeediyay Madaxda Dowladda Soomaaliya, iyaga oo sheegay inay wadaan qorsho ay ku boobayaan kuraasta Gobolada Waqooyi.

Qoraal ay xubnahaan si wadajir ah u soo saareen ayaa waxaa lagu sheegay in ay aad uga xun yihiin in hoggaanka dalka ay iska indha-tirayaan sharciga dalka iyo hanaanka doorashada 2020/2021 ee lagu heshiiyay.

Sidoo kale Guddoomiyaha Aqalka Sare & Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi qoraalkooda waxaa ay ku sheegeen in aysan marti ka noqon doonin masiirkooda siyaasadeed & maamulka doorashada, isla markaana, iyaga oo raacayaa hanaanka doorashadii 2016-kii & waaya aragnimadii laga bartay loo baahan yahay hanaan sharci oo la isku waafaqsan yahay inta aan la bilaabin doorashada.