Alshabab oo weerar ku qaaday saldhig ay ciidamada dowlada ka degenaayeen deegaanka sabiid

0
76

Ciidamada dowlada iyo alshabab ayaa waxaa uu dagaall ku dhex maray degaanka Sabiid ee gobolka Shabeellaah Hoose, waxaana ka dhashay qasaaro kala duwan.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamada Dowladda ku leeyihiin degaanka Sabiid, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socay muddo dhowr saacadood ah.

Dadka degaanka ayaa warbaahinta u sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen Ciidamada Dowladda & Al-Shabaab, balse aysan cadeyn Karin khasaaraah ka dhashay maadaama dadka Shacabka ah aysan tei Karin goobaha lagu dagaalamay.

Saraakiil Ciidan ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarka kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab isla markaana ay khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen dagaalkii ay la galeen.

Al-Shabaab ayaa dhankooda warar ay ku daabaceen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxaa ay ku sheegeen in weerarka ay ka geysteen degaanka Sabiid ay ku dileen laba Askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda.