
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uu ka hadlay Cadaaad darada Shacabka Ka wajahayaan Hay’adaha Garsoorka.
Waxa uu Ra’iisal wasaare Rooble Warbaahinta usheegay in Cadaalad daradaasi ay ka jirto Dawlada Dhexe iyo Dawlad Gobolleedyada Dalka ka jirta.
Isagoo carabka ku dhuftay in ay dareemayaan Cabasho Shacabka kaga timid Garsoor Xumo ayna taas wax laga xumaado tahay in Dawlada laga waayey Cadaaladii ay ka sugayeen.
Geesta kale RW Rooble Ayaa Faray Wasiirka Cadaalada Dalka iyo Hay’adaha Garsoorka in ay adkeeyaan tayada iyo Xoojinta Xarumaha Garsoorka iyo Cadaalad u sameynta Shacabka.