
Midowga Musharrixiinta Soomaaliya ayaa xalay isugu yimid wajiga labaad ee shirka musharraxiinta oo lagu soo bandhigay warbixin ka hadleysa xaaladda waddanka iyo maareynta marxaladda doorashada.
Shirkan oo uu guddoomiyey guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta Sheekh Shariif waxaa sidoo kale looga hadlay xaaladaha siyaasadeed ee dalka iyo Raad-raaca go’aannadii lagu xusay war-saxaafadeedkii Midowga uu ka soo saaray shirkii 6-da cesho uga socday magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Midowga Musharrixiinta Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa faah-faahiyay qodobada looga hadlay shirka Midowga Musharrixiinta Soomaaliya xalay uga furmay Magaalada Muqdisho.
Ridwaan ayaa sheegay in shirka uu kusoo booqday Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, islamarkaana ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ku saabsan doorashooyinka iyo doorka Galmudug.
Ridwaan ayaa sheegay in Qoor Qoor ay u sharxeen go’aanadii kasoo baxay shirkii hore, islamarkaana ay ka dalbadeen inuu fuliyo qodobada kaga aadan, si dalka ay uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.