Dib u dhac ku yimid doorashadii la filaayey inay maanta ka bilaabato dalka

0
89

Waxaa dib u dhac uu ku yimid jadwalkii doorashada ee xildhibaanada aqalka sare ee horey loo soo saaray, kadibkii heshiiskii siyaasadeed ee ay dhowaan Muqdisho ku gaareen dowladda dhexe, dowlad goboleedyada & gobolka Banaadir.

Qorshaha ayaa ahaa in 1 December ee 2020-ka oo maanta ku beegan in ay dowlad goboleedyada dalka ka bilaabato doorashada xildhibaanada cusub ee ka mid noqonaya aqalka sare, balse fashil ayaa ku yimid jadwalkii horey loo shaaciyey, sida uu muuqata.

Illaa iyo hadda ma jirto tallaab loo qaaday dhaqan-gelinta jadwalkaasi oo lagu caddeeyey in doorashada aqalka sare ay dhaceyso 1- da illaa 10-ka bisha December.