Maamulka Jubaland oo sheegey inaysan gudbin doonin gudiga doorashooyinka

0
107

Madaxweyne ku-xigeenka Maamul Gobolleedka Jubbaland Maxamuud Siyad Aadan ayaa sheegay in aysan gudbin doonin gudiyada doorashada ee laga sugayo inta laga fulinayo ayuu yiri heshiisyadii iyo balanqadyadii ay horey u sameysay dowladda dhexe ee Federaalka.

Dowladda Soomaaliya ayuu ku eedeeyay in aysan wali fulin heshiisyadii ahaa in gobolka Gedo loo madax-bannaaneeyo dowlad gobolleedka Jubbaland ka hor doorashada, isaga oo sheegay in dowladda dhexe dabacsan tahay in ay iskeed u maamulato doorashada la filayo in ay ka dhacdo gobolka Gedo.

Ma’aha gobolka Gedo oo kaliya sidoo kale Maxamuud Siyad Aadan ayaa sheegay in dowladda federaalka si guud ugu tumaneyso sharciyadii lagu heshiiyay ee doorashada oo ay aheyd in laga qeybgalo dhinacyada ay quseyso oo idil, sida siyaasiyiinta mucaaradka, isaga oo si gaar ah u soo qaatay xadgudub uu sheegay in lagu sameeyay guddiyada doorashada gobollada Waqooyi..

Jubbaland iyo dowladda dhexe ee federaalku muddo dheerba ma fiicneyn xiriirkooda tan iyo wixii ka danbeeyay doorashadii Axmed Madoobe oo aydowladda ku tilmaantay mid sharci darro ah.