Beesha caalamka oo bilaabay inay soo kala dhex galaan kooxaha isku heysta siyaasada dalka

0
91

Xubno ka tirsan Beesha Caalamka oo uu horkacayo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan ayaa waxaa ay kulan dhinaca Internet-ka ah la yeesheen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kuxigeenkiisa Mahdi Maxamed Guuleed & Xubno kale oo ka tirsan Dowladda.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay Arrimo la xiriira doorashooyinka dalka, iyaga oo sidoo kale oo dhaweeyay safarkii la xiriira doorashooyinka socda ee uu dhawaan ku tegay Ra’iisul Wasaare Rooble Magaalada Baydhabo.

Dhinaca kale Xubnaha Beesha Caalamka ayaa bilaabay kulamo ay la yeelanayaan Madaxda maamul goboleedyada, waxaana shalay Garoowe tegay wafdi uu hoggaaminayay Ku-xigeenka wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Raisedon Zenenga, iyaga oo la kulmay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay sidii ay dalka ugu dhici laheyd doorasho heshiis lagu wada yahay, waxaana Madaxweynaha Puntland uu Xubnaha Beesha Caalamka la wadaagay sidii looga gudbi lahaa marxaladda lagu jiro , sidii loo heli lahaa Doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu kalsoonyahay, oo sharciyad wanaagsan dalka u yeelata.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa loogu baaqay hoggaamiyeyaasha Soomaalida ay sii wadaan wada hadalka dhexdooda ah, iyo sidoo kale in la sii xoojiyo dareen ku dhisan is afgarad, kaas oo dhowaanahan horumar sameeyey xilli diyaar-garowga doorashooyinka qaranku ay socdaan.