3 dhallinyaro oo ka tirsanan jirey alshabab oo maanta Dil toogasho lagu fuliyey

0
136

Maxkamada Ciidamada Qalabka sidda ayaa saakay xukun dil toogasho ku filisay Maxamed Xaaji Axmed oo laakiin caan ku ahaa [Macalin Ilkacase] oo ay dowladdu ku tilmaamtay dilaagii ugu weynaa Al-shabaab iyo labo xubnood oo kale oo la shaqeyn jiray.

Macalin Ilkacase oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab ayaa gudaha iyo daafaha magaalada Muqdisho ka fuliyay dilal dhowr ah oo uu si layaab u leh u qorsheeyay, isaga oo dhinaca kalana ahaa Macalin Iskuul oo dadka bara Luuqada English -ka.

Waxaa sidoo kale toogashadan lagu fuliyay Axmed Maxamed Haashim iyo Saalim Siciid Maxamed oo labaduba ka tirsanaa qeybta Amniyaadka Ururka Al-shabaab dilal kala duwanna ka geystay magaalada Muqdisho.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa 31-kii Bishii December ee sanadkii 2019 waxaa ay xukun dil toogasho ah ku riday Macalin Ilkacase iyo xubno kale, kuwaas oo maxkamadu sheegtay in ay dilal qorsheysan iyo weerar kal geysteen Magaalada Muqdisho.