Amisom iyo Alshabab oo Maanta Ku Dagaalamay Deegaanka Ceelasha Biyaha

0
277

Ciidamada Amisom iyo Alshabab ayaa maanta ku dagaalamay Deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magalada muqdisho dagaalklaasi oo la sheegay inuu geystey qasaaro issugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii xalay Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada AMISOM ee Xaafada Arbacow, waxaana dadka halkaasi ku nool ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay labada dhinac isku adeegsanayeen.

Wararkii ugu dambeeyay ee saaka aan ka heleyno Xaafada Arbacow ee degaanka Ceelasha Biyaha ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada ay tahay degan.

Alshabab ayaa inta badan weeraro ay la beegsaneyso ciidamada dowlada iyo kuwa amisom ka fulisa deegaanada hoos taga gobolka shabelaha hoose taasoo ay dhib badan kala kulmaan shacabka.