
Madaxweynaha Maamul Goboledka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo diyaarad Helicopter ay leedahay Qaramada Midoobay ka qaaday Magaalada Beledweyne ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb.
Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo mas’uuliyin kale oo ka tirsan Galmudug.
Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee Maamul goboleed ee Shirka halkaasi uga furmaya Madaxda Maamul Goboleedyada u taga magaalada Dhuusamareeb.
Waxaa ayaa dhawaan la sugayaa inay halkaasi tagaan madaxweynayasha maamul goboleedyada Puntland, Jubaland iyo Koonfur galbeed si ay uga qeyb galaan shirka la filaya in dhawaan ka furmo magalada dhuusamareeb.