Gudoomiyaha Degmada Walaweyn oo Shaqadiisa Dib Loogu Fasaxay Kadib Kolkii La Ogaaday Inuu Xaq Ku Taagan Yahay

0
265

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi ayaa dib shaqadiisa ugu fasaxay Guddoomiyaha Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Maxamed Abuukar ayaa dib shaqadiisa loogu celiyay Guddoomiye Maxamed Siidow Cabdiraxmaan oo 12-kii bishii April ee 2020 lagu sameeyay shaqo joojin.

Guddoomiyaha Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Siidow ayaa waxaa la faray inuu si toos ah u guto waajibaadkiisa shaqo ee loo idmaday, isla markaana ay la shaqeeyaan laamaha amniga.