Maamulka Hirshabeele oo Ka Tacsiyadeeyey Xildhibaan Ay Dileen Alshabab

0
99

Guddoonka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa ka hadlay dilka Xildhibaan Maxamed Maxamuud Siyaad Xuurshow oo kamid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle, kaas oo saakay Al-Shabaab gaari kala dageen, kadibna ay dileen.

War kasoo baxay Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed ayaa loogu tacsiyadeeyay Ehellada marxuumka,isaga oo Alle uga baryay in uu janadii fardowso ka waraabiyo.

Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabaab ayaa ugu baaqay Xildhibaannada kale ee Hir-Shabeelle inay ka feejignaadaan weerarada uga imaan kara Al-Shabaab xilliyada ay ku guda jiraan socdaalka Deeganada Dowlad Goboledka Hirshabelle.

Dhinaca kale, Al-Shabaab ayaa xaqiijiyay dilka xildhibaanka, waxayna sheegeen iney ku qabteen Xildhibaanka xog ay heleen.