
Diyaarad laga leeyahay wadanka Kenya ayaa maanta shil ku gashay garoonka diyaaradaha magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.
Maamulka gobolka Gedo oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney wali socdaan baaritaan la xiriira sababta shilka keentay, waxeyna sheegeen iney dib ka faah-faahin doonaan wax walba.
Sawirada laga helay diyaaradda shilka gashay waxaa ka muuqanaya dhaawacyo badan, balse ilaa iyo hadda lama sheegin khasaare nafeed oo ka dhashay, dhawaan ayeyna aheyd markii diyaarad laga leeyahay Kenya ay soo rideen ciidamada Itoobiya ee aan ka mid aheyn AMISOM iyadoo ku sugan magaalada Berdaale.
Shirkadda Buff Air Service waxey ka hawlgashaa garoonka Wilson Airport ee ku yaalla magaalada Nairobi, balse inta badan waxey diyaaradaheeda tagaan gobolada kala duwan ee dalka Kenya.