
Faahfaahin dheeri ah oo aynu ka heleyno degmada walaweyn ayaa sheegaya in dagaalkani uu geystey qasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.
Warar aynu ka helnay dadka deegaanka ayaa ssheegaya in gudaha magalada ay hada ku sugan yihiin dhalinyarada deegaan, Wexey kaloo inoo sheegeen in ciidamadii maleeshiyaadka laga diley ilaa iyo 5 ruux dhawacooduna uu kor u dhaafayo 6.
Wexey kaloo inoo sheegeen in maleeshiyaadka kolkii laga saaray magalada ay dad beeraley ah ku dileen bananka magalada kuwaas oo la sheegay inay ahaayeen 8 ruux.
Ciidamada Danab ayaa la sheegayaa in hada labada dhinac ay u kala gurayaan meedadkooda maadama gebi ahaanba laga saaray gudaha magalada maleeshiyaadkii isbaarooleyda ahaa.