Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Labaad ee Koonfur Galbeed oo Kasoo Dhex Muuqdey Liiska Xildhibanada.

0
145

Iyadoo maanta lagu dhawaaqay liiska xildhibaanka baarlamaanka labaad ee koonfur galbeed ee somaliya ayaa waxaa durba liiska kasoo dhex muuqda gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka labaad ee maamulka goboleedka koonfur galbeed somaliya Dr Cali Saciid Faqi.

Waa kuma Dr Cali Saciid Faqi?

Dr Cali Saciid Faqi waa aqoonyahan degen dalka mareykanka kuna soo biiray siyaasada dalka 2013 xiligii Xasan sheekh Maxamuud kolkaas oo loo magacaabay midowga yurub iyo dalka bilgeim.

Dr Cali Saciid ayaa haatan waxaa uu si weyn ugu xiran yahay xisbiga Nabad iyo Nolol oo uu madaxweyne Farmaajo hogaamiyaha ka yahay’ Taasoo keentey in dadka intiisa badan ay ku fasiraan in arintan ay ka dambeeyaan Nabad iyo Nolol isla markaana doonayaan in uu xilkaasi qabto.

Hadaba su’aasha dadka intiisa badan ay is weydinayaan ayaa ah maadaama somaliya ay wax ku qeybsatey 4.5 xilka uu Dr Cali Saciid kasoo tegey ee ahaa safiirka midowga yurub iyo weliba safiirka Bilgiem yey u magacaabi doontaa Nabad iyo Nolol.