Howlgalo ay Ciidamada Dowlada ka Fulinayaan Degmada Awdheegle

0
175

Ciidamada Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa waxaa ay dhaq dhaqaayo Ciidan saaka ka wadaan degmada Awdheegle oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo dagaalo ay ka dhaceen.

Howlgalka ayaa yimid, kadib markii habeen ka hor ay weerar ku qaadeeen Saldhigyo ay Ciidamada Dowladda ku leeyihiin Awdheegle Ciidamada dowladda Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socdey in ka badan hal saac.

Dad ku sugan degmada Awdheegle ayaa warbaahinta u sheegey in saaka waberigii hore Ciidamada dowladda oo watay Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan lagu arkayay iyaga oo dhaq dhaqaaq ka wada duleedka degmada Awdhegle.

Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa Ciidamada DANAB ay la wareegeen bartamihii Sanadkii tegay ee 2019,waxaana mararka qaar ay weeraro kala kulmaan Xubno ka tirsan Al-Shabaab.