
Maamulka jubaland ayaa Saacadihii la soo dhaafay Ciidamo farabadan ay geeyeen Magaalada Mandheera, halkaas oo ay horay ugu sugnaayeen Cidiamo ka tirsan jubbaland oo looga awood roonaadey dagaal ka dhacay duleedka Beled-Xaawo.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa waxaa ay sheegeen in Jubbaland ay Cidamadaaasi kasoo daabsuhay Magaalooyinka Kisamayo, Dhoobleey iyo Afmadow, sida uu sheegay Korneyl Aadan Rufle oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Millateriga Soomaaliya ee ku sugan Beled-Xaawo.