Maamulka Galmudug oo Fariin u Direy Maamulka Puntland

0
111

Afhayeenka Cusub ee Maamulka Galmudug ee madaxweyne Qoor Qoor, Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed) ayaa digniin u diray maamulka Puntland oo uu sheegay inay soo hubeynayaan Ahlu-Sunna.

Afhayeenka Galmudug oo ka hadlayey tagitaankii madaxda Ahlu Sunna ee Magaalada Garoowe ayaa sheegay inuusan isaga ka xumeyn soo dhaweyntii loo sameeyey hoggaanka Ahlu Sunna balse wuxuu tilmaamay in Puntland aysan marnaba raali ka aheyn dhismaha Galmudug loo dhan yahay sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uga digay Puntland inay faragelin ku sameyso arrimaha Galmudug, isaga oo sheegay haddii ay joojin waayaan ay dadka Reer Galmudug Puntland ka tashan doonaan.

Waxaa uu sheegay in Puntland oo ah maamul deris la’ah Galmudug looga baahan yahay inay ilaaliyaan dowladnimada, wuxuuna ku eedeeyey madaxda Puntland aysan jecleyn in Galmudug dhisanto.