
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, dowlada federaalka somaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa maanta wadahadal kula yeeshay Nairobi dhiggiisa dalka Kenya, Marwo Raychelle Omamo, waxaana Wasiirka uu faha faahin ka bixiyey wayaabihii ay ka wada hadleen.
Wasiir Cawad oo la hadlay Idaacadda Voa-da ayaa sheegay inay ka wada hadleen labada dhinac sidii loo dhameyn lahaa khilaafka labada dowladood iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dowladood.