Alshabab oo xalay Weerar Kusoo Qaada Fariisimo A Ciidamada Dowlada Ku Lahaayeen Degmada Awdheegle

0
88

Xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab ayaa xalay weerar ku bilowday madaafiic ku qaaday fariisimo ay ciidamada dowlada ku leeyihiin deegaanka Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaal labada dhinac oo ahaa mid culus ayaa waxaa lagu waramayaa in uu sababay khasaare isugu jira dhimasho dhaawac soo kala gaaray garabyada iska hor yimid.

Dowladda Soomaaliya iyo Al shabaab ayaan ka hadlin weerarka Al-shabaab ku qaadeen deegaanka Aw-dheegle oo ay saldhigyo ku leeyihiin ciidamada xoogagga dalka.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ka mid ah gobolada ay sida aadka ah ugu xooggan yihiin dagaalamayaasha Ururka Al-shabaab inta badanna waxaa ka dhaca iska hormaadyo u dhaxeeya Al-shabaab, ciidamada dowladda iyo kuwa Howlgalka midowga Africa AMISOM.