Diyaaradaha Darooniska Mareykanka oo Duqeymo Ka Fuliyey Deegaano Ka Tirsan Gobolka Jubada Dhexe

0
92

Ciidamadda howlgalka Mareykanka ee Africom ayaa duqeeyay Xarumo Al-Shabaab kulahaayeen degmooyinka Jilib, Bu’aale, Saakow iyo degaanka Salagle oo dhamaantood kawada tirsan gobolka Jubada dhexe.

Taliyaha Guutada 16aad kumaandooska Xoogga Dalka Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa sheegay duqeynta in waxyeelo xoogan ay kaso ogaartay Saraakiil iyo Xubno katirsan Al-Shabaab,kuwaasi oo ay dib kasoo sheegi doonaan tirada dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray.

Taliyaha ayaa intaasi kudiray in Al-Shabaab haatan ay bilaabeen inay isaga baxaan deegaano ka tirsan Jubbada dhexe, kadib markii ay kordheen weerarada dhinaca cirka ah oo uu la ebegsanayo Mareykanka.

Dhinaca kale qoraal kasoo baxay howgalka Mareykanka ee Qaarada Afrika ee loo yaqaano Africom ayaa waxaa lagu sheegay in markale Mareykanka uu duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyey deegaanka Janeele ee Gobolka Shabeellaha Hoose lana beegsadey Xarumo Al-Shabaab.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Africom ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaas oo dhacdey shalay Gelinkii dambe ay ku dileen 5 Xubnood oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab,hayeeshee wax khasaaro ah kasoo gaarin dad Shacab ah.