
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari Gashaanle Sare Xussen Cali Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Federaalka loga baahan yahay in waxkasta oo ay dooneyso in ka fuliso deegaannada Puntland inay soo marsiiyaan Madaxda Puntland.
Taliyaha waxaa uu sheegay in Puntland ay jirto muddo 21 Sano ah ayna isku filan tahay, sidaaas daraadeed aysan Dowladda Federaalka ka aqbaleyn inay luuq luuq wax soo marsiiso waa sida uu hadalka dhigay.