
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta gaaray gudaha magaalada Baraawe oo ah caasimada rasmiga ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ra’iisul wasaaraha ayaa si rasmi ah xariga uga jaray garoonka diyaaradaha degmada Baraawe oo dhawaan dib u dhis lagu sameeyay, lana casriyeeyay qeybta ay diyaaraha ku soo degaan, kuna duulaan.
Sidoo kale waxaa munaasabadda xarig jarka goobjoog ahaa, wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka, kuwa K/Galbeed iyo wafdi ka socda Ururka Midowga Yurub.
Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoona ay magaalada isku geedaameen ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.