
Magaalada Hargeysa ayaa maanta waxaa heshiis ku kala saxiixdey Safiirka midawga Yurub ee Soomaaliya, Amb. Nicolas Berlanga & Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin.
Heshiiskaan oo muddo laga soo Shaqeynayay ayaa waxaa uu yahay mashruuc lagu horumarinayo caddaalada iyo ciidamada ammaanka Somaliland, waxaana la sheegay in Heshiiskaan uu ku kacaayo lacag gaareysa ilaa 7 milyan oo Dollar.
Heshiiskaan ayaa waxaa si wadajir ah u saxiixey Safiirka midawga Yurub ee Soomaaliya, Amb. Nicolas Berlanga & Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin,iyaga oo sheegay in la Dhaqan gelin doono.
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin ayaa uga mahad celiyey Midowga Yurub wada Shaqeynta ay la leeyihiin Soomaaliland iyo caawinta ay hada iyo jeer la garab taagan yihiin Xukuumadda Soomaaliland.