Kulan ay Hormuud Ka Tahay Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha oo Galay Maalintiisa Labaad

0
61

Waxaa maalintii labaad si habsami leh u socda shirka Wadatashiga Qorshaha Biyaha Qaranka, ayadoo ay horumuud u tahay Wasiirka wasaaradda Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Marwo Fowziya Maxamed Sheekh.

Waxaa kaloo shirka qeyb ka ahaa Wasiiro heer federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Xubno ka kala socday Hay’adaha ka shaqeeya Arrimaha biyaha, shirkadaha gaarka loo leeyahay ee biyaha.

Kulankan ayaa waxaa diirada lagu saarayaa sidii loo maareynlahaa qeyraadka biyaha uu dalka leeyahay iyo weliba baahida guud ee ay shacabka somalaaiyed u qabaan biyo la,aanta xiliyada abaaraha, Isla markaana ay uga faaiideysan lahaayeen beeraleyda xiliyada dalaga uu jiro.

Ma aha markii ugu horeysay oo ay Wasiirka wasaaradda Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Marwo Fowziya Maxamed Sheekh qabato kulamo noocan oo kale ah oo loogu hormarinaayo qeyraadka biyaha dalka.