Wasiirka Arimaha Gudaha Kenya oo Ka Hadley Sababta Ka Dambeysan Safarkiisa Muqdisho

0
187

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Kenya Fred Matiangi oo Maanta soo gaarey Magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyey ujeedadaka dambeysa Safarka uu ku yimid Magaalada muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Qoraal uu soo dhigey Bartiisa twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in isaga iyo Saraakiil Sare sare oo ka tirsan Dowladda Kenya uu Muqdisho usoo direy Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta,si ay Madaxweyne Farmaajo ugala hadlaan xiisadda ka taagan xadka labada dal.

Waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo ay kala hadli doonaan sidii loo xakameyn lahaa Arrimaha ka taagan xuduudaha dalka oo uu dhawaan dagaal ku dhexmaray Ciidamada Dowlada & kuwa Jubbaland.

Socdaalka uu Maanta Magaalada Muqdisho ku yimid Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Kenya Fred Matiangi ayaa daba socdey wada-hadallo qadka taleefoonka ah oo Jicmihii dhex-marey Madaxweyne Farmaajo iyo dhigiisa Kenya.