
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegay in Maanta xilli ay howlo Shaqo ugu socdeen dhinaca Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ishor-istaag lagu sameeyey.
Xildhibaanka oo la hadley warbaahinta ayaa sheegay in Bar-koontorool oo ku taalla halka laga galo Garoonka kuna dhow Isgoyska km4 loo diidey inay ilaaladooda kala gudbaan loona sheegay inay ilaalada halkaasi ku reebaan.