Shir u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo AMISOM ayaa shalay ka furmay xarunta Xalane, kaasoo socon doona muddo afar maalin ah, shirkan ayaa waxaa loogu gogol xaarayaa sidii Ciidamada Soomaaliya loogu diyaarin lahaa in mas’uuliyada ammaanka dalka kala wareegaan AMISOM, iyo qaababka loo wajahayo xilliga kala guurka ee ay AMISOM dalka ka baxeyso.
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Ra’iisul wasaare kuxigeenka Soomaaliya, Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyeyaasha ciidamada iyo saraakiisha, Madaxa Midowga Afrika ee Soomaaliya, Saraakiisha sar sare ee AMISOM, saraakiil ciidan ka socota Midowga Yurub, UK iyo Mareykanka.
Ergeyga Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM, Amb, Francisco Madeira ayaa sheegay in shirkan ahmiyadiisu tahay sida ugu haboon ee go’aamada iyo talooyinka loo gaari karo, hadii ay yihiin AMISOM iyo Taliska Ciidamada Xoogga dalka.
Amb. Francisco Madiera ayaa sheegay in Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ay isku furi doonaan waddooyinka go’an, isla markaana ay sugi doonaan ammanka doorashada sanadka 2021.
Waxaa uu sheegay in Ciidamada Soomaalida loo baahan yahay in la qalabeeyo, lana siiyo hubka ay u baahan yihiin, si ay ammaanka ula wareegaan.
Kulankan ayaa inta uu socdo waxaa shir guddoomin doona Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed iyo Taliyaha Ciidamada AMISOM Jen. Cusmaan Nuur Subagle.