Madaxweynaha Dalka Kenya oo Maanta Booqdey Magalada Gaarisa

0
75

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa shalay booqday gobolka Waqooyi Bari gaar ahana magaalladda Gaarisa xillli ay laba toddobaad oo keliya ka harsan tahay doorashada madaxtinnimada ee waddankaasi.Uhuru, ayaa wada Ololihiisa ugu xooggan ee dhinaca doorashooyinka. Madaxweynaha  waxaa uu shalay oo Axad aheyd sameeyay “Facebook page”, oo uu su’aallo ugu jawaabayay dadka doonayay in ay su’aallo weydiiyaan.

Kenyatta booqashadiisa ayaa kusoo beegmeysa iyadoo Al-Shabab ay weerarro kasii waddo gobolkaasi iyo gobolka kale ee deriska la ah ee Lamu.

 

17-kii bishan Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa iclaamiyey hawl-gal ballaaran oo dhanka amniga ah kaasi oo lagula dagaalamayo AlShabaab, wuxuuna amray in kooxdaasi mayalka adag la dilo dabeedna la aaso.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo uu wehliyo ku xigeenkiisa William Ruto ayaa sheegay in Shabaabka qaska ka wada gudaha dalka Kenya la soo qab-qaban doono.

Dhinaca kale, 21-kii May ee sanadkii 2016, Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa booqasho ku tegaya xarunta jaamacada Gaarisa ee Waqooy Bari Kenya kadib weerarkii Al Shabab ay ku dilen in ka badan 140 ruux oo u badnaa ardayda Jaamacada.

Uhuru ayaa kulan la qaatay madaxda magaalada Gaarisa iyo ururada bulshada halkasi ka shaqeeya.