Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa shalay gaaray magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee dawlad goboleedka Jubbaland.
Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee Kismaayo ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland oo isugu jiray Wasiiro iyo Xildhibaano.
Intaa kadib, waxaa wafdiga loo galbiyay madaxtooyada Jubbaland oo ay salaan ugu tageen Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.
Wasiir Cabdi Xoosh ayaa Madaxweynaha iyo masuuliyiinta Jubbaland ugu mahadceliyay sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen wafdiga uu hogaaminayay.
Wafdiga ayaa maalmaha soo socda shirar ku saabsan Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka la geli doona Madaxweynaha, Wasaaradda Dastuurka, iyo Ururada Bulshada Rayidka ee Jubbaland.