Gudoomiyaha Gobolka Bakool oo Beeniyey In Ay Roobow u Direen Ciidamo Caawiya

0
175

Guddoomiyaha gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool oo la hadlayay VOA ayaa beeniyay in ciidamo ka baxay gobolka Bakool loo diray deegaanka uu ku nool yahay Mukhtaar Roobow si ay u caawiyaan.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa beeniyay in Mukhtaar Roobow ku sugan yahay deegaan lagu magacaabo Abal oo ka tirsan gobolka Bakool, isaga oo sheegay in deegaankaa ay gacanta ku hayaan xoogagga Al-shabaab.

Laakiin dhinaca kale waxaa uu sheegay in ay ka war hayaan xiisad ka jirta deegaanka la sheegay in ay ku nool yahay Mukhtaar Roobow, balse waxaa uu ka gaabsaday in uu ka hadlo mowqifkooda la xiriira Abuu-Mansuur iyo haddii ay gacan militari siinayaan.

Guddoomiyaha oo la weydiiyay su’aal aheyd sida ay ka yeelayaan haddii uu Mukhtaar Roobow ka dalbado taageero militari ayuu sheegay in arintaasi tahay mid u taala maamulka sare ee Koonfur galbeed.