Xulufada Sacuudiga oo Dhowr Qodob Hor Dhigey dhigey Qadar Si Xiyraada Uga Qaado

0
57

Wadamada Khaliifka ee xiriirka u jaray dowladda Qatar ayaa soo saaray Liis ay ku qoran yihiin dalabyo laga doonayo in ay fuliso xukuumada Doha si xayiraada saaran looga qaado.

Dowladda Kuwait oo ku howlan siddii loo soo afjari lahaa xiisada siyaasadeed ayaa dalka Qatar u gudbisay Liiska dalabyada, waxaana ku jira in Qatar ay xiriirka u jarto Iran,dhinaca kalana albaabada u laabto gebi ahaanba TV Aljazeera iyo dhammaan Taleefishinada kale ee hoos yimaada.

Dalabyada ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah “In Qatar xiriirka u jarto dhammaan ururada argagixisada”, gaar ahaan kooxaha Ikhwaanul Muslimiin, Daacish, Al-Qacida iyo kooxda Xisbullah ee dalka Lebanon.

Xulufada Sacuudiga ayaa sidoo kale ka doonaya in Qatar “in ay si deg deg ah u soo afjarto joogitaanka milatariga Turkiga ee dalkaas, iyo xiriirka wada shaqeyn ee kala dhaxeeya”.

Dalalkan kala ah Sacuudiga, Masar, Imaaraadka iyo Baxreyn ayaa dhinaca kale dalbanaya in Qatar ay u soo gacan geliso “shaqsiyaadka argagixisada” iyo shaqsiyaadka kale ee dalalkooda laga doonayo.

Dalalka Carbeed ayaa Qatar siiyey in ay Toban maalmood ku ogolaato dalabyada, ayaga oo aan wax tusmo ah ka bixin waxa dhici doona, haddii aysan Qatar ogolaan.