Xog aynu ka helney magalada baydhaba ayaa sheegeysa in odeyga keligii taliyaha ee horjoogaha u ah maamullka gacan ku rimiska ee koonfru galbeed 3da gobol Shariif Sakiin in ay fooda is geliyeen odayaasha dhaqanka ee beelaha digil kadib kolkii ay isku af garan waayeen awood qeybsiga golaha wasiirada cusub ee uu shariifka doonayo in uu dhawaan ku dhawaaqo.
Xogtan ayaa waxaa ay sheegeysaa in odaysha iyo shariif ay ka wada hadleen 5 qodob oo kala ah.
1) In digil uu helaa samiga awood qeybsiga gaar ahaan wasiirada A-ga ah ee Konfur galbeed.
(2) In ay Helan wasiro tayo leh sida Cafimadka, Dasturka, waxbarashada, beeraha, xananada xolaha, cadaalada, iwm.
(3) In aysan dhicin sida hada wax yihiin oo aan lasin wasarado anan jirin.
(4) In wasirada imanaya ay noqdan dad aqonteda leh wata shahaado jamacadeed si loo badbaadsho umada.
(5) In lagala tashado beesha shaqsiyadka imanaya laguna qiimeyo aqoontoda waxbarasho.
Shariif Sakiin ayaa kadib kolkii uu dhegeystey qodobadan waxaa uu odayaasha ugu jawaabey in dhowrkii sanadood ee lasoo dhaafeyba digilka ay sheegayaan uu ahaa mid la heysta ah ilaa iyo hadana la heysto, Waxaa kaloo uu intaasi u raaciyey in go,aankiisa ku saabsan isku shaandheynta golaha wasooorada cusub uusan waxba ka bedeli doonin hadii aysan raali ka eheyna aysan asaga quseyn.
Si kastaba arintu ha ahaatee ma aha markii uguu horeysey ee uu Shariif Xasan siduu doono uu ka yeelo beelaha digil ayagoo inta badanba aysan wax iska hor imaad ah aysan ku sameyn maamulkaasi balse maanta la filayo in ay ka duwanaato tii hore odayaasha beesha digilna looga fadhiyo in ay mowqif fiican ka istaagaan xaqdarada uu Shariif Sakiin ku hayey awood qeybsiga isla marakaana uu ku baabi’inayey gobolka shabeelaha hoose isagoo hishiis hoosaad lasoo galey kooxaha ku labisan dareyska ciidanka dowlada isla markaana u abaabulan qaab beeleedka.
Kulan kale ayaa la filayaa in caawa ay isugu yimaadaan Shariif Sakiin iyo Odayaasha dhaqanka beelaha Digil wixii kasoo kordhana dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa.