Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xilalka ka qaaday taliyayaashii ciidammada militariga iyo booliiska Soomaaliyeed, waxaana loo magacaabay xilalka taliyayaal cusub.
Madaxweynaha ayaa u magacaabay taliyaha ciidamada militariga Jen, Maxamed Axmed Jimcaale oo badalaya taliyihii hore S/Gaas Maxamed Aadan Axmed.
Sidoo kale, taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliyeed ayaa loo magacaabay Jen C/xakiin Daahir Saciid [Saacid] oo badalaya taliyihii hore Jen Maxamed Sheekh Xassan Xaamud.
Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa loo magacaabay Jen Cabdullaahi Cali Caanooy oo badalaya Jen Cali Baashi oo xilkan horay u hayay.
Marka laga soo tago magacaabista taliska cusub eee militariga iyo booliiska sidoo kale waxaa xilka laga qaaday taliyihii hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Jen C/llaahi Goofoow Max’uud, waxaana xilkan loo magacaabay Cabdullaahi Max’ed Cali Sanbaloolshe.