Qarax loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, ayaa goor dhaweyd ka dhacay nawaaxiga Wasaaradda amniga ee ku taallo Degmada Shangani.
Lama oga Khasaaraha ka dhashay qaraxan ka dhacay nawaaxiga Wasaarada amniga ee ku taalo Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir.
Wasiirka Warfaafinta Somaliya C/raxmaan Cismaan Yariisow, ayaa Bogiisa xiriirka Bulshada wuxuu ku sheegay in qaraxa uu ka dhacay maqaayad ku taalo ka soo horjeeda Wasaaradda dhalinyarada oo aanan sidaasi oga fogeyn dhismaha Wasaaradda amniga.
Cid sheegatey qaraxan ayaan weli jirin wixii soo kordhaana dib ayaan kasoo sheegi doonaa haduu alla idmo.