Baarlamaanka Somaliya oo Maanta ka Dooddi Doona Moshin Ku Saabsan Dekeda Berbera

0
73

Baarlamaanka dowladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa waxaa lagu wadaa in maanta loo qeybiyo mooshinka ka dhanka ah Saldhigga dowladda Imaaraadka ay damacsan tahay in ay ka dhisato magaalladda Berbera.

Bishii lasoo dhaafay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa Pro Jawaari u gudbiyay Mooshinkan.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in Saldhiga Imaaraadka Carabta ka dhisanayo Berbera ay tahay arrin dhaawaceysa jiritaanka Midnimada Soomaaliya, isla markaana ah xadgudub.

Xiisada diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa cirka isku sii shareereysa.