Daawo:-Arin lala Yaabey Xarun Ay Midowga Yusub Ka Dhisaneyso Somaliya oo Laga Mamnuucey In Laga Shaqaaleysiiyo Qof Somlai Isirkiisa Yahay

0
68

xasanDhisme weyn oo Midowga Yurub uu ka dhisanayo xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, ayaa la sheegay in amar lagu bixiyay inaan laga shaqaaleyn qof Soomaali ah, xitaana uusan ka noqon karin nadiifiye, arrintan oo ah mid ku cusub Soomaaliya.

Muuqaal uu baahiyay Website-ka Dalsoor oo ka mid ah kuwa Soomaalida ayaa lagu xusay in ay heleen warqado muujinaya in Ururka Midowga Yurub heshiis kula galay shirkadaha maamulaya xaruntaas.

Midowga Yurub ayaa dhulka ay xaruntan ka dhisanayaan waxaa dowladda FS ay ka siisay gudaha Xerada Ciidamada AMISOM ee Xalane, iyadoo bixinta dhulkaan uu goob-joog ka ahaa madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.