Ra’iisul Wasaaraha dowlada federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake iyo Wafdi balaaran oo uu Hogaaminayo ayaa goor dhaweyd gaaray Magaalada baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda ayaa waxaa Socdaalkiisa ku weheliya Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya iyo Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Xukumadda Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin kale.
Ujeedka Wafdiga Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa lagu sheegay xal ka gaarida Khilaafka Odayaasha Reer Hiiraan ee ku aadan ka qeyb galka Shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.
Ma aha safarkii ugu horeeyey oo ay xukuumada si timaado magalada baledweyne si ay xal uga gaarto khilaafka ku aadan odayaasha gobolka hiiraan