Waxaa beryahan sii kordhaya muranka dhinaca dhulka ku saabsan ee ka taagan Magaalada Muqdisho.
Odayaasha iyo waxgaradka beelaha Banaadiriga ayaa sheegay in dhul uu leeyahay Shariif Bakar Shariif Nuur la rabo in la boobo, dhulkaasi oo ay sheegeen inuu boqolaal sano lahaa ninkaasi oo ka soo jeeda beelaha Banaadiriga.