Cabdi Xaaji Goobdoon oo ka mid ah Wariyeyaashii udub-dhexaadka u ahaa warbaahinta Somalia ayaa xalay si lama filaan ah ugu geeriyooday Isbitaalka Daarul-shifa ee magaalada Muqdisho.
Geerida marxuumka ayaa waxaa saxaafadda u xaqiijiyay walaalkiis Abuukar Xaaji Goob-doon, isagoo xusay in marxuumka aanu qabin cudur, laakiinse uu sannadkii lasoo dhaafay kusoo booday cudur dhanka neefta ah ah oo dhowr jeer isbitaal loo dhigay, uuna kasoo kabsaday.
Marxuumka ayaa isla maanta lagu aasayaa Muqdisho, wuxuuna marxuunku ifka uga tagay caruur fara badan oo isugu jira wiilal iyo gabdho, kuwaasoo ku kala nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.