Qaramada Midoobey oo Cambaareeyey Weerarkii Ka Dhacay Xeebta Liido

0
137

unite nationQaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa si Adag u mid ah u cambaareeyay weerarradii ay Al-shabaab habeen hore ku qaaday maqaayado ku yaalla Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku Geeriyoodeen tiro ka badan 25-qof, ayna ku dhaawacmeen tiro kale oo badan.

Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ayaa Muujiiyay sida ay Weerarradaas uga xun yihiin, iyago tacsi u diray ehelladii dadkii weerarkaas lagu laayay, iyagoo kuwii ay dhaawacyadu kasoo gaareenna u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

Sidoo kale, Xoghayaha Guud ee QM, Ban Ki-Moon ayaa sheegay in Dhammaan Qaybaha kala duwan ee argagaxisada ay halis ku yihiin nabadda iyo Ammaanka Caalamka oo dhan.

Dhanka kale, Howlgalka AMISOM ayaa iyaguna ku tilmaamay weerarkaas mid bahalnimo ah oo lagu laayay shacab Soomaaliyeed oo aan wax ay galabsadeen jirin.

Ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Somalia, danjire Francisco Madeira ayaa weerarkaas ku Tilmaamay mid lagu laayay dad isugu jira Carruur iyo Ganacsato ay geysteen kooxo uu ku tilmaamay arxan-laawayaal.