Alshabab oo Hanjabaad Kale u Direy Dalka Kenya

0
93

alshababAl-shabaab ayaa ku Han-jabtay mar kale inay Kenya ku qaadi doonto weerar ka culus midkii ay toddobaadkii hore ku qaadeen saldhigga ciidamada Kenya ay ku sugnaayeen ee deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo.

Afhayeenka Howlgallada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa sheegay inay Go’aansadeen inay ciidamada Kenya ku Weeraraan meel walba oo ay Somalia kaga sugan yihiin, maadaama ay diideen inay dalka ka baxaan.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa intaas ku daray in dowladda Kenya haddii ay go’aasanto inay ciidamadeeda kala baxdo Somalia, Annaguna waxaan ka joojinaynaa Weerarrada, laakiinse haddii ay ku adkeysato inay sii joogaan, Al-shabaab waxay balan-qaadaysaa inay si toos ah u beegsan doonto.

Afhayeenka Al-shabaab ayaa dhanka kale sheegay in Mas’uuliyiinta Kenya ay in-kireen in ciidammo nool oo Keenyaan ah ay gacanta ku hayso Al-shabaab, waxaae cad inay iyaguba hadleen oo ay ka dalbadeen dowladdooda inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya si ay uga badbaadaan gacanta xoogagga Al-shabaab.