Soo Xulidii Baarlamaanka Maamulka Shariif Xasan oo Mar Kale Dib u Dhac Ku Yimid

0
78

shariif-xasanWararka ka imaanaya Magaalada Baydhaba ayaa sheegaya dib u dhac weyn uu ku yimid soo xulitaankii baarlamaanka maamulka shariif xasan taasoo loo eedeynayo in uu la xiriiro safarka uu shariif xasan doonayo in uu maanta ku tago magalada muqdisho.

Safarada faraha badan ee Hogaamiyaha Seddaxda Gobol uu ku tagayo Muqdisho ayaa lasoo sheegaya inay Caqabad ku noqdeen Dhismaha Baarlamaanka 3-gobol.

Qaar badan oo ka tirsan odayaasha ku xaniban maalada baydhaba ayaa safarka shariif waxaa ay u arkaan mid uu ugu tala galey in uusan umada waxba u qaban isla markaana uu waqtiga ku lumiyo safardan inta laga gaarayo danaha uu rabo in uu u fuliyo kooxaha uu lasoo galey hishiiska.

Si kataba arintu ha ahaatee safarka uu shariifka ku imanayo magalada muqdisho ayaa waxaa uu salka ku hayaa kulan berito uga furmi doona magalada muqdisho hogaamiyeyaasha maamul goboleedyada somaliya.