Wasiirka Arimaha Dibada ee Dalka Kenya oo Xafiiskeeda Kula Kulantey Danjiraha Cusub ee Somaliya u Magacowdey Dalka Kenya

0
63

kenyaWasiiradda Arrimaha Dibada ee Dowlada Kenya Aamina Maxamed ayaa maanta xafiiskeeda ku kula kulantey Safiirka cusub ee Soomaaliya u magacawday dalka Kenya Amb. Jamaal Maxamed Xasan.

Danjire Jamaal Maxamed Xasan ayaa waxaa la filayaa in maalmaha soo socda uu waraaqihiisa aqoonsi ee danjirnimo u gudbiyo Madaxweynaha Kenya Uhur Kenyatta iyadoo Safiirka laga sugayo inuu xoojiyo xiriirka labada dal.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Dowlada Kenya iyo Danjiraha cusub ee Soomaaliya u jooga Kenya ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal, iyadoo danjiraha uu u gudbiyay Safiirka warqada magacaabistiisa.

Dowladda Kenya ayaa dhawaan aqbashay magacaabista Safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya u magacawday Kenya, kaasoo bedelay Safiirkii hore ee Soomaaliya Amb. Maxamed Cali Ameerika.