Xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa diiday maanta inuu hadal u jeediyo ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), kaddib qoraal ka yimid ra’iisul wasaaraha oo uu ku dalbanayay inuu doonayo inuu la hadlo baarlamaanka.
Ra’iisul wasaaraha ayaa doonayay inuu xildhibaannada baarlamaanka u jeediyo hadal uu ku difaacayo xukuumaddiisa oo mooshin kalsoonida loogala laabanayo uu horyaallo golaha shacabka, balse xildhibaannada waxay ku gacan-sayreen inuu la hadlo ra’iisul wasaaruhu.
Guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo kulanka shir-guddoon ka ahaa ayaa ka dalbaday xildhibaannada inay cod u qaadaan in ra’iisul wasaaruhu uu hadal u jeediyo iyo in kale, waxaana inta badan xildhibaannadu ay isku raaceen in uusan hadal u jeedin.
Daafeet.Com